Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado hawada ka buufinaya Ayaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah  la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada.

Labadaas diyaaradood, ayaa loogu tala galay in Ayax looga buufiyo degaananda uu kaga habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo  muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa.

Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha  FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado hawada ka buufinaya Ayaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this