Sign in to follow this  
Deeq A.

Waabari iyo Kaxda oo caawa baratamaya tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle ku ballansan degmooyinka Waabari iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Waabari iyo Kaxda ayaa sidoo kale ka tirsan group-ka D, waxaana guud ahaan ay u dambeeyaan wareega koowaad ee tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle.

Sidoo kale labada degmo ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto waereega sideed dhammaadka ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this