Deeq A. Posted May 14, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Lambar Lixdan ee Sh/Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka oo socday ku dhowaad saacad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanka Lambar 60 ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites