Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye iyo Taliye ku xigeen u magacaabay ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

  • FB_IMG_15894576431012798.jpg?w=1000&ssl=Cismaan Cumar, Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyada Puntland

Bishan Maajo 5-teedii ayay ahayd markii uu iscasilay Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, halka xilka laga qaaday Taliye ku xigeenkii Axmed Cilmi Cismaan.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida

Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST

The post Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this