Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado aan la aqoonsan oo duqeymo ka geystay qeybo ka mid ah Jubbada Dhexe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bu’aale (Caasimadda Online) Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen saacadahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka.

Sida warka lagu helay duqeymaha waxaa laga fuliyay goobo ay ka mid yahiin garoonka diyaaradaha magaalada Bu’aale oo la fahamsan yahay iney fariisin weyn ku leeyahiin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al-Qaacida.

Sidoo kale deegaanada Jiira garoob, Sariiraha iyo Arabow ayaa la sheegaya iney duqeymaha ka dhaceen, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda hadii duqeymahaas ay khasaaro naf iyo maalba geysteen.

Mudooyinkii dambe gobolada Jubooyinka waxaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysanayay ciidamada Mareykanka kuwaas oo caawinaad ka hela ciidamada Kenya iyo kuweea Soomaalida.

Taliska Jubbaland iyo Al-Shabaab qudhooda ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay iney ka dhaceen deegaano dhaca Jubbada Dhexe, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli kooxda Al-Shabaab dhawr dagaalyahan looga dilay hawlgalo laga fuliyay gobolka Shabeelada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this