Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya iska hor imaad ka dhacay degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inay isku qabteen arrimo la xariira Qaad, si qarsoodi ah loo soo galiyey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan afar askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Dhamme Daahir Sheekh Axmed ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa saaka ah mid ah degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Dhowaan ayey aheyd markii dagaal kan la mid ah ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ku dhex-maray xaafadda Kaawo-Godey, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this