Sign in to follow this  
Deeq A.

Warta Nabadda oo u gudubtay wareega 2-aad ee tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Warta Nabadda ayaa xalay u gudubtay wareega labaad ee tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka guuleysatay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxa ay guusho raacday tartamaayaashii matalayey Warta Nabadda.

Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in degmada Warta Nabadda ay la timid 16 dhibcood, halka tartamayaasha Cabdicasiis  ay keensadeen 12.

Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir.

Labada degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsan group-ka D, waxaana giid ahaan u dambeeyey wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this