Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ‘lagu dilay’ gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgal ay ka fuliyeen inta u dhexeya Kabtan-Laas iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo shan xubnood oo kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la dilay uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray, Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen ( Abuubakar), sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ma sheegin khasaaro soo gaaray dhankooda, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this