Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ay Daacish ka fulin rabtay Boosaaso oo la fashiliyey iyo qaar ka tirsan oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday hawlgallada ay ku sugayaan amaanka deegaanka, waxeyna markaan ka hortageen sida ay sheegteen weeraro ay Daacish la damacsanaayeen iney ka fuliyaan magaalada Boosaaso.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan xubnahii loogu talagalay iney fuliyaan dhibaatada, sidoo kale waxey gacanta ku dhigeen agab la rabay in lagu sameeyo qaraxyo.

Taliska ciidanka Amaanka Puntland ayaa baraha bulshada ku faafiyay qoraal ay ku xaqiijinayaan hawlgalka ay sameeyeen iyo waxyaabahii ay kusoo qabteen, wuxuuna u qornaa sidaan:

“Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada #PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso; Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan”

Bilowgii todobaadkaan ayey aheyd markii ciidamada Amaanka Puntland ay isla magaalada Boosaaso ku fashiliyeen weerar ay Daacish damacsaneyd, iyagoo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan oo markii dambe la ogaaday inuu yahay madaxii Amniyaadka kooxdaan ee gobolka Bari.

Qoraalka lasoo dhigay bogga ay ciidamada amaanka Puntland ku leeyahiin Puntland, laguna faalleeyay xaqiiqada hawlagalka ayaa la raaciyay:

“Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray”

“Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish,shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,Haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388,”

Si kastaba qoraalka xaqiijinta ah ayaan lagu caddeyn hadii ay ciidamada Ammaanka Puntland wax dhibaato ah soo gaartay, waxaana muuqaneysa in hawlgallada isbuucaan ay sameeyeen ay ka gaareen guulo la taaban karo.

Bosaso-1.jpeg Bosaso-2.jpeg Bosaso-3.jpeg Bosaso-4.jpeg Bosaso-5.jpeg Bosaso-6.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this