Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar ku qaaday fariisinka AMISOM ee Lambar 60

Recommended Posts

Deeq A.   

Shabeelada Hoose (Caasimadda Online) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyahiin deegaanka Lambar 60.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka, hadana waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay halkaas ku dagaalamayeen in ku dhaw saacad.

Dadka deegaanka oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay iney si xoog leh u maqlayeen dhawaqa rasaasta kooxaha dagallamay, balse aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha kala gaaray.

Weerarka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegteen iney halwgallo ay ku fuliyeen Shabeelada Hoose ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab.

Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka la sheegay inuu maanta ku dhexmaray deegaanka lambar 60.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this