Sign in to follow this  
Deeq A.

Talyaaniga oo beeniyay sheegashada Turkiga ee sii deynta Silvia Romano

Recommended Posts

Deeq A.   

Rome (Caasimadda Online) Warbaahinta Turkiga ayaa dhawaan baahiyay iney kaalin mug leh ka qaateen sii deynta haweeney sanadkii 2018 laga afduubay dalka Kenya balse lagu heystay gudaha Soomaaliya, waxaana la baahiyay in Talyaaniga ka codsaday dhigiisa Turkiga inuu gacan ka siiyo arintaas.

Warbaahinta maxaliga ah ee TgCom24 ayaa baahisay in Talyaaniga ay beeniyeen sheegashada ka timid dhigooda Turkiga kuna saabsan arrinta sii deynta Silvia Romano.

Sida lagu sheegay warbixinta Turkiga, wuxuu Turkigu faafiyay inuu haweeneydan ay ciidamadiisa siiyeen jaakad u muuqata midda aan xabadda karin, waana sawirka laga qaaday iyadoo saaran gaari, balse lama garanayo halka looga qaaday.

Sirdoonka Talyaaniga ayaa been abuur ku tilmaamay sheegashadaas, waxeyna warbaahinta u sheegeen in jaakadaas ay ciidamadooda u geeyeen Silvia, sida uu sheegay talafashinka maxaliga ah ee TgCom24TV.

Wararka hoose ee la helayo waxey sheegayaan in dowladda Qatar ay kiiskaan u qaabilsaneyd dhanka iyo wadaxaajoodka sii deynta haweneyda, balse ay sirdoonka Soomaalida, kan Turkiga iyo kan Talyaaniga ay iska kaashadeen arrinta.

Talafashinka wuxuu qiray sidoo kale in talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga dhamaadka sanadkii hore, taasna waxaa ugu wacan inuu saameyn ballaaran ku leeyahay gudaha Soomaaliya.

Inkastoo saxaafadda ay wariyeen in haweeneydaan samafalka u tagtay bariga Afrika lacag madax furasho ah lagu sii daayey, haddana ma jiraan jawaabo run ah oo arintaan laga bixiyay, qaar ka mid ah warbaahinta waxey wariyeen in lacag ku dhaw 4 Malyan oo Doolar lagu sii daayay.

Mid ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Talyaaniga, oo ah wargeyska La Repubblica ayaa sheegay inuu wareysi la yeeshay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo qiray iney madax furasho ka heleen sii deynta haweeneyda.

Qof walba wuxuu sugayaa wareysiga ay bixin doonto Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay kooxaha afduubayaasha ah, waxaana la rumeysan yahay iney wax badan ka hadli doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this