Sign in to follow this  
Deeq A.

Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   
Buurtinle-1.jpg?w=1000&ssl=1Degmada Buurtine ee gobolka Nugaal

Roobab dabaylo wata oo xalay ka da’ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa dhulk la simay guryo ka samaysan coosh oo ay degganaayeen barakacayaasha ku sugan degmadaasi.

Dadweynaha magaalada, ayaa soo sheegaya in xaafaddii barakacayaasha Buurtinle uu Roobkkaasi khasaare xooggan gaarsiiyay, kadib markii uu dhulka la simay guryihii ay degganaayeen oo coohashado ka samaysnaa.

Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo bannnaan tuban yihiin, oo aysan haysan wax hooy ah, maadaama guryahoodii cooshka ay xalay ku dumeen dabaysha Roobka halkaas ka da’ay.

Sidoo kale, Roobkii xalay ayaa waxyeello gaarsiiyay guryo badan oo isu’gu jira degaan iyo ganacsi, kuwaas oo ay saqafyada ka qaadday dabaysha, iyadoo wararka qaar sheegayaan in sidoo kale waxyeello gaartay korontada magaalada.

PUNTLAND POST

The post Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this