Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Al-Shabaab oo ku dhowaaqay guddi 7 xubnood ah oo qaabilsan Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood.

Sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab, guddigan oo isugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray inay ka howlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee dalka, sida lagu sheegay qoraalkooda.

“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen in iyaga oo ka duulaya mas’uuliyad, sida ay ku sheegteen qoraalkooda, ka saaran ilaalinta bad-qabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ay magacaabeen guddiga lasocodka xaaladaha cudurka Coronavirus.

“Gudigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxa loo xilsaaray inay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee talabixinta hadba wixii soo kordha” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Qoraalkooda ayaa intaas ku daray, “Gudiga lasocodka xaalada cudurka Coronavirus ee Al-Shabaab wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.”

Hoos ka aqriso

Gudiga_Lasocodka_Xaalada_Cudurka_Karoona

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this