Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dalka dib ugu soo celineyso Soomaalida qaar ee ku sugan dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaalada Nairobi ee is-diiwaangeliyay dalka dib loogu celinayo, islamarkaana ay shirkadda Daallo Airline u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen.

War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in shirkadda Daallo Airline ay la xiriiri doonto dhammaan dadkii is-diiwaangeliyay ee heysta baasaboorka Soomaaliya ama degenaanshaha Kenya.

Safaaradda ayaa sheegtay in qof kasta oo safraya inuu iska baara cudurka Covid-19, isla markaana dadka laga waayo cudurkaas la qaadi doono.

“Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa, Sidoo kale dadku waa inay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa dhowaan soo saartay wargelin ku aadan in dadka ku xayiran M/ Nairobi ee doonaya in dalka dib ugu laabtaan inay is diiwaan geliyaan, waxaana la soo bandhigay shuruudo la xiriira dadka dib loogu celinayo dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this