Sign in to follow this  
Deeq A.

Olole naceyb iyo weeraro ka dhan ah Silvia Romano oo ka billowday Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Rome (Caasimada Online) – Silvia Romano ayaa waxaa beegsanaya ololaha nacaybka ee kooxaha garabka-midig ee Talyaaniga kadib markii ay wadankeeda dib loogu celiyay 18 bilood oo ay Al-Shabaab Soomaaliya ku haysteen kadib.

Silvia Romano waxaa ay diinta Islaamka qaadatay in tii ay Al-Shabaab madax furashadda u haysteen, qoskeeduna waxay xaqiijiyeen in 24 jirkan magaceeda ay u bedeshay Caa’isha.

“Islaam iyo farxad. Silvia kuma mahadsana,” ayaa lagu qoray bogga hore ee wargeyska garabka midig ee Il Giornale.

Siyaasi kasoo jeeda gobolka Treviso ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Romano la dal-dalo. Balse durbadiiba qoraalkii waa la tir-tiray.

Ururkii ay la shaqayneysay ee Africa Milele oo raashin iyo dhar siiya caruurta Kenya ayaa war ay ku daabaceen websitekooda waxay ku sheegeen “soo dhawow Silvia, dhamaanteen waan ku sugeynay.”

Madax Furasho

Talyaanigu waxaa uu heystaa madhabka masiixiga ah Roman Catholic, kaniisaduna si diiran ayey u soo dhoweysay dib u noqoshada nabad-gelyada ah ee Romano. “Hadda waxaan dhamaanteen dareeymeynaa in ay gabadheenii tahay,” ayuu yiri wadaad kaniisadda ka tirsan oo lagu magacaabo Gualtiero Bassetti.

Warbahinta Talyaaniga ayaa warisay in xukuumada Rome ay soo deynta Romano ku  bixisay madax-furasho dhan 1.5 million oo Euro una dhiganta 1.6 million oo dollar. Dowladdu weli ma aysan xaqiijin arrintaan.

“Qiyaas argagixisada Islaamiga ah: Lacagtii waa ay qaateen, waxay ku geysanayaan dambiyo, waxayna ku guuleysteen dagaalkii dhaqanka iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka iyo Muslimin,” ayuu yiri Matteo Salvini oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee garabka-midig.

Garsooreyaasha Maxkamadaha hoose ayaa furay baaritaan ku saabsan xad gudub si loo eego haddii ay jiraan eedeymo hanjabaad ah oo laga gudbi karo qaar ka mid ah kuwa soo diray farrimaha ka dhanka ah Romano.

Wargeysyo ayaa saraakiil kasoo xigtay in Romano ay sheegtay in ay iyadu dooratay in diinta Islaamka qaadato, waqtigeeda firaaqada ahna ay qur’aanka aqriso, islamarkaana aysan ku xad gudbin kuwii ay u afduubneyd.

Alessandro Sallusti, oo madax ka ah Wargeyska Il Giornale, ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Silvia waa ay soo laabatay waana ay nabad qabtaa. Laakiin waxay u egtay maxbuus aad loo ilaalinayay waxayna u labisneyd sida Nazigiii, ma fahmin mana fahmi doono.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this