Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo gargaar caafimaad u soo diraya Soomaaliya + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaarto diyaarad sida deeq gargaar ah oo loogu talagalay la-tacaalida Cudurka Coronavirus, taas oo uu soo diray Amiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxammed Bin Rashid Al Maktoum.

Deeqda oo isugu jirta mashiinada dadka neefta siiya (Ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka Covid-19, iyo agab kale oo daawooyin ay ka mid yihiin ayaa diyaarad sida waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ka soo degto Aadan Cadde.

DF oo dagaal kula jirta Coronavirus ayaa waxa ay dalalka saaxibada la’ah oo uu ugu horreeyo Turkiga ka heleysaa kaalmo bani’aadanimo, si loo xakameeyo cudurkaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

2737825409683544877 (1) 2483976963660384328 2190831330738471694 Imaaraat

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this