Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad kala socotaa degmooyinka caawa ku tartamaya Shabelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Labad degmo ayaa u dambeeya  group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sidoo kale degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis ayaa isku dhibco ah, marka loo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen labada degmo, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday.

Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa shan degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne iyo Marka oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this