Deeq A. Posted May 13, 2020 Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in maanta deegaannada maamulkaasi ay ku soo kordheen xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ka dib markii dad looga shakiyay xanuunka lagu sameeyay baaritaan. Warbixinta maalin laha ah ee Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in 6 qof oo cusub laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 466, waxaana ay sheegeen in xanuunkaasi ay u dhinteen 5 qof halka ay bogsadeen 7. Dadkan maanta laga helay xanuunka Coronavirus ayaa waxa ay kor u qaadeysaa tirade guud ee laga diiwaan geliyay guud ahaan deegaannada Soomaaliland waxaana madaxweyne Muuse Biixi shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar ku aaddan safmarka COVID-19. Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkan laga helay 1,170 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites