Sign in to follow this  
Deeq A.

Gungumihii Carruurka ku laayay Miyiga Xiingalool oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
gungumaha.jpg?w=1000&ssl=1Gungumihii Carruurta laayay oo la dilay

Gungume nooca halista badan ah oo xalay laba carruur ah ku cunay miyiga degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan ayaa goor dhoweyd lagu dilay halkaasi kadib saacado la baadi-goobayay.

Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas.

Bahalka oo ka soo baxay kob halkaas ku tiillay ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda.

Dadka degaanka oo saaka baadi-goob ugu dhaqaaqay bahalkaas si dadka haray looga badbaadiyo ayaa markii dambe ku guulaystay dilkiisa sida ay sheegeen xubno ka tirsan Qoyska dhalay carruurtii uu cunay gungumaha.

PUNTLAND POST

The post Gungumihii Carruurka ku laayay Miyiga Xiingalool oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this