Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus ay gaadhay 232,000 oo qof iyadoo uu noqoday dalka Ruushka dalka labaad ee ugu badan ee cudurkan uu saameeyay.

24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa dadka laga helay cudurkan dalka Ruushka waxa ay gaadhay 10,899 qof waxaana ka mid ah dadkaas afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov. Hase yeeshee tirada dadka ugu dhintey cudurka Coronavirus ee dalka Ruushka ayaa ah 2,116.

Mr Peskov ayaa u sheegay wakaalada wararka ee TASS in markii ugu dambeysay ee shaqsi ahaan ay kulmaan Madaxweyne Putin ay ahayd bil kahor. Afhayeenka ayaa la dhigey isagoo warbaahinta u xaqiijiyay in la daweynayo.

Raysal Wasaaraha Ruushka Mishustin ayaa laga helay coronavirus labo toddobaad kahor iyadoo sidoo kale wasiirada dhaqanka iyo warshadaha dalka Ruushka laga helay cudurkan.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ku dhowaaqay dabcin dhinaca bandowga ah oo uu hore ugu soo rogay iyadoo shaqaalaha ay dib ugu laabteen xarumahooda.

Dhinaca kale dab ka kacay isbitaal ku yaal magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ruushka ee St Petersburg ayaa waxaa ku dhintey shan ruux oo ka mid ah dadka uu cudurka Covid-19 soo ritey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this