Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hiiraan oo ka warbixiyey fatahaada webiga Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan Cali oo u waramay Shabelle ayaa faah faahiyey fataahada webiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Somalia.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in webiga uu ku fatahay xaafado ka tirsan Beledweyne iyo deegaani hoos yimaada, islamarkaana uu saameeyey dhul beereed ku yaal halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysas badan ay isaga barakaceen Beledweyne, kadib markii ay biyuhu buux dhaafiyeen guryihii ay daganaayeen.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xoojiso dadaallada loogu gurmanayo dadkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-baladweyne-.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this