Sign in to follow this  
Deeq A.

Marka oo xalay u gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Marka ayaa xalay ka adkaatay dhiggeeda degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Marka oo guusha la hoyatay.

Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Xamarjajab ay la timid 12dhibcood, halka tartamayaasha Marka oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 14 buundo, waxaana sidaas ay ugu gudubtay wareega 2-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ka tirsan gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeya group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this