Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo sheegay in Jubaland cagta saartay toobiye ku jihaysan dib u-heshiisiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dadka Reer Jubaland ay cagta saareen toobiye ku jihaysan dib u heshiisiin, kaas oo u baahan in ay ku soo biirto cid kasta oo haatan mucaaradsan.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in heshiiskii dhexmaray maamulkiisa iyo golaha isbeddel-doonka Jubaland, uu ahaa mid dadaal iyo wakhti badan la geliyay, balse ugu dambayntii mira-dhal noqday, sidaasna lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorrashadii Agoosto 2019.

Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale xusay in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta Jubaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo wax ka tabanaysa maamulkiisa, si cabashooyinka jira wada-hadal loogu dhammeeyo.

Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay, in ay maamulka Jubaland kala shaqayso dib u-heshiisiinta socota sidoo kalena ay ka tanaasusho mowqifkeedii hore, maadaama uu dhammaaday marmarsiin yihii ahaa, in dhinacyo kala duwan isku hayaan Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo sheegay in Jubaland cagta saartay toobiye ku jihaysan dib u-heshiisiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this