Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay

Belly Mujinga waxay geeriyootay bishii April
 Belly Mujinga waxay geeriyootay bishii April

Haweeney u dhalatay dalka Congo, oo ka shaqeyneysay xafiiska tigidhada tareennada lagu jaro ee magaalada London, ayaa u geeriyootay cudurka coronavirus kaddib markii uu candhuuf ku tufay nin sheegay inuu qabay Covid-19.

Belly Mujinga, oo 47 jir ahayd, horayna u qabtay xanuunno dhinaca neef mareenka ah, waxay ka shaqeyneysay xarunta Victoria ee magaalada London markii 22-kii bishii March uu weeraray ninkaas, iyadoo ay la socotey ahweeney kale oo ay isla shaqeynayeen.

Maalmo yar markii ay kasoo wareegeen dhacdadaas, kabada dumarka ahba waxay la xanuunsadeen fayraska.

Booliska gaadiidka ee Britain ayaa sheegay in baaritaan lagu billaabay dhacdadaas, sidoo kalena lagu raad joogo ninka candhuufta ku tufay haweenkaas.

Ms Mujinga seygeeda, oo lagu magacaabo Lusamba Gode Katalay, ayaa sheegay in ninka uu xaaskiisa weydiiyay waxa ay sameyneysay iyo sababta ay halkaas ku joogtay.

“Waxay u sheegtay inay shaqo ku jirtay kaddibna ninka wuxuu sheegay inuu fayraska qabay, candhuuf ayuuna ku tufay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mrs Mujinga waxaa la dhigay isbitaalka 2-dii bishii April waxaana lagu xiray qalabka neefsashada caawiya. Laakiin waxay geeriyootay saddex maalmood kaddib, sida uu sheegay ururka shaqaalaha gaadiidka.

Mrs Mujinga waxay UK u guurtay kaddib markii ay ka tagtay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, sanadkii 2000, xilligaasoo ay ka baxsaneysay qalalaase siyaasadeed, sida ay ku warrameen warbaahinta ITV News iyo The Mirror newspaper.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this