Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad uu diray amiirka Dubai oo Muqdisho ku wajahan +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Diyaarad uu diray amiirka Dubai oo maanta Muqdisho ku wajahan +Sawirro
Diyaarad uu soo diray amiirka Dubai oo maanta Muqdisho kusoo wajahan + Sawirro

Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Diyaaradda oo la filayo inay maanta soo gaarto Muqdisho ayaa sidda agab ka kooban mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta.

Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya.

Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya.

“Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri.

Waxay uga mahad-celisay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum jawaabta uu ka bixiyey marxaladda iyo caawimaadda deg degga ah ee dadka ay saameeyeen musiibooyinka.

2483976963660384328.jpg 2190831330738471694.jpg 2737825409683544877.jpg 1435447832158838090.jpg 2765771349553584512.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this