Deeq A. Posted May 13, 2020 Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha qeybta Galbeed, Yuusuf Xundubey. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka howlgalladaasi uu ahaa kuwa looga hortagayey falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey xaafadaha degmooyinkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-howlgalka-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites