Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgallo ballaaran ka sameeyey saddex degmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ballaaran oo xalay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, iyadoona uu horkacayey taliyaha qeybta galbeed Yuusuf Xundubey.

Ujeedka baaritaanadaan ayaa waxaa lagu sheegay kuwo looga hortagayey falal liddiga ku ah amniga ee maalmahaan dambe ka dhacayey degmooyinkaasi.

Sidoo kale howlgallada ayaa daba socda sida la sheegay weeraradii hoobiyeyaasha ee dhowaan lagu qaaday Xalane iyo dilal ka dhacay saddexdaasi degmo ee dariska ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Booliska ay ka jawaabeen cabashada ka soo yeereysa shacabka degmooyinkaasi oo qeylo dhaan ka muujiyey amni darro heysata.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa howlgalladaasi ku soo qab-qabtay tiro dad ah u ah u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood la sii daayey markii su’aallo la weydiiyey.

Ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ay ka bixiyeen baaritaanadaasi.

Ammaanka degmooyinkaan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad loogu deyrinayey, kadib markii ay ku soo bateen falalka liddi ku ah nabad-gelyada ee ka dhacaya halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this