Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa marxuum xalay  fiidkii lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cali Naaleeye Barkhadle ayaa dableey bastoolado ku hubaysan ku dileen xaafadda Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Laamaha Amniga magaalada Muqdisho oo goobta gaaray ayaan ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka gaystay oo halkaasi ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee, marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa ganacsade caana oo baabuurta keena magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this