Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneydii ugu da’da weyneed dalka Spain oo Corona ka badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneydii ugu da’da weyneed dalka Spain oo Corona ka badbaaday

Maria BranyasMaria Branyas

Haweenay 113- sano jir ah islamarkana la rumaysan yahay inay tahay qofka ugu da’da wayn dalka Spain ayaa ka bogsatay cudurka coronavirus, sida ay sarakiisha dalkaasi sheegeen.

Maria Branyas ayaa laga helay Covid-19 ka dib markii dalkaasi Spain xayiraad lagu soo rogay si cudurka loo xakameeyo.

Balse toddobaadyo Karantiil ay ku jirtay ka dib, Ms Branyas ayaa cudurka ka soo kabsatay iyada oo qaab saf-mar ahan ah uu cudurka u haleelay.

Waxay micnaheedu tahay in ay u soo joogtay cuduro badan oo safmareen ah sida Hargabkii Spain ee 1918 ilaa1919,dagaalkii sokeeye ee Spain iyo imika oo ay ka badbaaday coronavirus.

“Imika way wanaagsan tahay, waa qof la yaab leh, waxay doonaysaa inay hadasho si ay sharaxaad uga bixiso wixii ay soo martay ,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay gabadh ay dhashay.

Maria Branyas aya sanadkii 1907 ku dhalatay dalka Mexico, waxayna labo sano ka dib iyada iyo seygeeda oo ahaa saxafi u dhashay Spain ay u soo wareegeen gobolka Catalan xilligii uu socday dagaalkii kowaad ee adduunka.

Waxa ay dhashay saddex caruur ah oo midkood imika uu 86 snao jir yahay .

Waxay imika 20 sano ku nooleyd goob dadka waawayn lagu xanaaneeyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this