Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka Kenya oo dowlada ku eedeeyey inay xiri weysay xuduuda dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimada Online) – Waxaa jirta cabsi badan oo ay dareemayaan dadka dagan gobolka Lamu, kuwaas oo dowladda ku eedeynaya ineysan dhaqan galin xayiraadda xadka ay la leeyahiin Soomaaliya.

Dadka waxey aad uga cabsi qabaan in isku socodka xadka u dhaxeeya labada dal uu ka dhalan karo inuu ka dilaaco xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Wararka laga helayo Jasiiradda ayaa sheegaya in ganacsatada qaadka iyo kalluumeystadaba ay wali sii wadaan gacan qaadka dhanka ganacsiga oo ay la yeeshaan dhigooda Soomaalida, waxaana la ogyahay inaan la marsiin hab raaca baaritaanka lagama maarmaanka ah ee xanuunka Coronavirus.

Lamu waa mid ka mid ah goobaha aan ilaa iyo hadda laga diiwaangalin hal kiis oo Covid19 ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Soomaaliya ay tirada dadka uu soo ritay xanuunkaan ay dhaaftay 1000 qofood.

Waxey aheyd sanadkii hore markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday iney xirtay xadka ay la leedahay Soomaaliya iyadoo laga hortagaayo dadka sida sharci darada ah u galaya gudaha Kenya iyo sidoo kale xakameynta ganacsatada gacan qaadka la leh xooggaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhamaan qeybaha dadka ku nool Lamu ayaa walaac badan ka muujinaya sida aysan Dowladda Kenya u fulin hab-raaca ka hortagga Coronavirus maadaama aysan xil iska saarin la socodka xaalad walba oo ka dhalan karta in la gudbo xuduudda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this