Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kiisaskii ugu badnaa ee Covid-19 oo dalka laga diiwaan-geliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwaan-geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka bogsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan-geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2.

Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay ayaa gaartay 1,170, geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Wasiirka-caafimaadka dr-Fuje Fowsiyo

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this