Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabelle & culimada masjidka Xaaji Yuusuf oo Ciidsiiyey caruur badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Barnaamij lagu Ciidsinayo illaa 170 caruur ah oo ay hal abuurkiisa leedahay shabkadda warbaahinta Shabelle oo kaashaneysa culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxaa maanta lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, halkaas oo caruurta loogu qeybiyey dhar iyo agab kale oo ka qayb qaadanaya farxadooda Ciida.

Caruur 1

Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) oo ku hadlayey magaca Shabelle ayaa uga mahadceliyey dadkii xoolahooda ugu deeqay Ciidsiinta caruurtaasi Agoonta ah.

Dhankooda culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxa ay ka sheekeeyeen muhiimadda iyo xilliga barnaamijkaani soo bilowday, iyaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in sanadkaan kan xiga ciidsiinta caruurta au intaan ka sii badnaato

Sidoo kale qaar ka mid ah hooyooyinkii caruurtooda loo Ciidsiiyey oo iyaguna helay dhar Ciid ayaa ka mahadceliyey dadaalka ay ugaleen culimada Masjidka Xaaji Yuusuf iyo sidoo kale shabkadda warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Cabdiraxman Xuseen Tahliil oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xusay in barnaamijkaan lagu Ciidsiiyey agoonta uu yahay mid xilligan aad loogu baahnaa.

Waa markii afaraad oo ay Shabelle iyo culimada masjidkaa Xaaji Yuusug ay iska kaashanayaan Ciidsiinta Agoonta ah, si looga farxiyo caruurtaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this