Deeq A. Posted May 12, 2020 Wararka naga soo gaaraya magalada Beledweyne ee xurunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu ku fatahay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Biyaha webiga ayaa galay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada, iyadoona qoysas badan ay isaga barakaceen halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa socday dadaalo xoogan oo ay iska kaashanayeen HirShabelle iyo dowladda dhexe, balse ma noqon kuwo lagu guuleystay, si looga hortago fatahaada webiga Shabelle oo marar badan fatahaad ka geystay Beledweyne. View the full article Share this post Link to post Share on other sites