Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka” ayaa lagu yiri qaraalka qaramada Qidoobay.

Kulanka hab muqaalka ay yeesheen labada dhinac waxaa looga hadlay arrimaha Xanuunka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’  amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this