Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad badan oo Covid-19 ugu geeriyooday degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha arrimaha bulshada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Cabdullaahi Xasan Cabdi (Toosane) oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in kiisas ka mid ah cudurka Coronavirus laga diiwaan-geliyey magaaladaasi.

Toosane ayaa sidoo kale tilmaamay in saameynta Covid-19 si weyn looga dareemayo magaalada Afgooye, islamarkaana ay jiraan dad badan oo u dhintay cudurkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga xitaa uu ku dhacay Coronavirus, balse uu haatan ka caafimaaday.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda dhex inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan shacabka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cccccc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this