Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose.

Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay askariga toogteen, xilli uu ku sugnaa suuq ku yaalla deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada geysatay ay horay u sii qaateen qoriga askarigaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhacdada kadib ay goobta soo gaareen ciidanka amniga, ayna qabteen hal qof oo laga shakiyey.

Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this