Deeq A. Posted May 12, 2020 Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xariga guddoomiyihii Garbahaarey iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horreyn sheegay in wax laga xumaado ay tahay faro-gelin uu tilmaamay in hay’adda nabad sugida Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiintii gobolkaasi ugu magacaawnaa Jubbaland ay wajahayaan xaalado adag iyo dhibaatooyin uga imaanayaan dowladda dhexe. Ku xigeenka 1-aad ee Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay mowqif cad ay ka qaadanayaan dowladda dhexe, ayna la wadaagi doonaan beesha caalamka. Ugu dambeyn Sayid Aadan ayaa soo hadal qaaday xarigii guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Iimaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna dalbaday in deg-deg xorriyaddiisa loo siiyo mas’uulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites