Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamarjajab iyo Marka oo caawa ku ballansan tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Labad degmo ayaa ku wada jira group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sidoo kale degmooyinka Xamarjajab iyo Marka ayaa isku dhibco ah, marka dibloo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana degmo waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday.

Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa afar degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this