Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo amartay in la soo qabto askar hub kala goosatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, Generaal Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo askar ka goosatay maamulkaasi.

Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la baxsadeen hub xilli habeen ah, iyaga oo ka tegay fariisin ku taalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan inay iibsadaan hubkaasi.

Lama shaacin tirada askartaasi oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamadii dhowaan lagu tababaray xerada Xorgoble ee magaalada Qardho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this