Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo la shaaciyey in ay kaalin ku laheyd sii deynta Silvia Romano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Telefishinka Tgcom24 ayaa sheegay in Qatar ay door weyn ku laheyd sii deynta Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay Al-Shabaab.

TV-ga Tgcom24 ayaa shaaciyey in dowladda Qatar ay hoggaamineysay wada xaajoodkii lala galay Al-Shabaab ee lagu bixiyey lacagta madax furashada ee lagula soo wareegay Silvia Romano, taas oo lagu sheegay illaa saddex milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale Telefishinka Tgcom24 ayaa Qatar ku eedeysay inay xiriir la leedahay kooxda gacan-saarka la leh Al-Shabaab ee Al-Qaacida.

“Qatar ayaa xiriiro muhiim ah la leh [xoogaga gacanaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida].” ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Tv-ga.

Silvia Romano oo 18 bilood ay afduub ahaan u heysteen Al-Shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka sida ay shaacisay, kadib markii ay ka degtay magaalada Rooma caasimada wadanka Talyaaniga, halkaas oo ay dib ugula midowday qoyskeeda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay loo shaaciyey in deysmada Silvia Romano ay iska kaashaadeen siroodanada Talyaaniga, Soomaaliya iyo Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this