Sign in to follow this  
Deeq A.

Hishiis nabadeed oo laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyinta maamulada Galmudug, Puntland, waxgaradka deegaanka iyo talista Qaybta 21aad ee ciidanka Xoogga ayaa ka wada qayb-qaatay  Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug.

Heshiiskaan ayaa  horudhac u ah  dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda .

“Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis  Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad.

Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay  inay heshiisyo ay  dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka.

FB_IMG_1589228004960.jpgFB_IMG_1589228059788.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this