Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliland oo Maanta Shaacisay inay Korortay Dadka uu Soo Ridanayo Xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Soomaaliland ayaa shaacisay in tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Coronavirus ee gudaha maamulkaasi ay kororortay ka dib markii ay maanta shaaciyeen kiisas dhowr ah.

Warbixinta maalin laha ah ee Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in 5 qof oo cusub laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 426, waxaana ay sheegeen in xanuunkaasi ay u dhinteen 5 qof halka ay bogsadeen 6.

Dadkan maanta laga helay xanuunka Coronavirus ayaa waxa ay kor u qaadeysaa tirade guud ee laga diiwaan geliyay guud ahaan deegaannada Soomaaliland waxaana madaxweyne Muuse Biixi shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar ku aaddan safmarka COVID-19.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this