Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeen oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarka oo ka dhacay barkoontarool oo ku taalla isgoyska Tarabuunka ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo meesha isaga baxsaday falka kadib.

Wararka ayaa sheegaya in Bambada ay tuureen raggaasi ay ku dhaawacmeen illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo kooban sameeyey, kadib weerarkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradaan oo ah kuwa gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, inkastoo aysan weli ka hadlin dhacdadaasi.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqsgiid, kaas oo lagu dilay askari ka tirsanaa dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this