Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab dagaal oo ay Iiraan leeedahay oo si aan ulakac ahayn loo burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Markab dagaal oo ay Iiraan leeedahay oo si aan ulakac ahayn loo burburiyay

Sawirka biya -mareenka HormuzSawirka biya -mareenka Hormuz

19 badmaxiin ah ayaa ku dhintay 15 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Iiraan uu si aan ula kac ahayn gantaal ugu dhuftay Markab kale oo ay isla Iiraan leedahay.

Sida uu baahiyay Telefishinka Iran mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Iran ayaa quusiyay Markab kale oo ay isla Iiraan leehay.

Warar horey u so baxayay ayaa sheegayay in tiro ciidamada badda ah ay dhinteen ka dib markii mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka Iiraan oo lagu magacaabo, Jamaran, islamarkana tijaabinayay gantaal lnooca Maraakiibta lagu burburiyo ah uu gantaalkaas si aan ula kac ahayn ugu dhacay Markab kale oo ay isla Iiraan leedahay.

Wakaalada wararka ee Iran ee Fars ayaa sheegtay in mashaqadan ay dhacday xilli ay ciidamada badda ku guda jireen “dhoolatus militari ” oo Axaddii ka socday gacan biyoodka Hormuz.

Ciidamada qalabka side ee Iiraan ayaa si joogta ah u qabta dhoolatusyada Militari.

Sida ay sheegayaan warar aan rasmi ahayn Markabka dagaalka ee, Jamaran – oo ah mid ay ku howlgalaan ciidamada ilaalada kacanka Iiraan -ayaa ka hormaray xilligii ay ahayd in gantaalka la rido islamarkana waxaa uu haleelay Markab kale, oo lagu magacaabo Konarak, oo ka soo socday goobtii bartilmaameedku ahaa.

Muqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya wax lagu sheegay dhaawacyada Badmaaxiin lagu qaadayo gaari ah nooca gurmadka deg-dega.

Bishii January, ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa si aan ula kac ahayn u so riday diyaarad rakaab meel u dhaw caasimada Tehran.

Waxaa diyaaradaasi ku dhintay dhammaan 176 qof ee saarnaa, ugu dambeyna waxaa dowladda Iiraa ay qiratay inay iyadu ka dambeysay.

Dhacdadaas ayaa timid xillii ay cira isku sii shareeraysay xiisaddii u dhaxeysay Iiraan iyo Mareykanka, ka dib markii ay Mareykanka dileen abaanduule sare oo ka tirsanaa ciidamada Iiraan.

Bilooyiinkii ugu dambeeyay waxaa soo cusboonaaday xiisada labada dhinac, waxaa uuna Mareykanka Iiraan ku eedeeyay inay dhibaateynayso ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan gacanka carbeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this