Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeed oo ka dhacay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay barkoontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa Bam-Gacmeedkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas au fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada ammaanka Soomaaliya.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this