Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo hub la baxsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-puntland.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore: askar ka tirsan Puntland

Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraleyda Af-Urur ee gobolka Bari, ayaa la xaqiijiyay in ay la goosteen hubkooda, kadib markii ay si dhuumasho ah kaga baxsadeen fariisimaha Ciidanka.

Askartaas oo kamid ahaa ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho, kadibna la geeyay degaanka Af-Urur, ayaa habeen ka hor halkaasi kala baxsaday dhammaan hubkii ay wateen oo u badan qoryaha fudud ee AK47.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in askarta hubkaas la goostay ay u baxsadeen dhinaca gobolka Sanaag, islamarkaana ay doonayeen in ay dib u-iibsadaan hubka iyo rasaasta ay wataan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo haatan ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixiyay in  deg deg ah loo soo qabto askartii hubka la baxsaday, si sharciga loo hor-geeyo.

PUNTLAND POST

The post Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo hub la baxsaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this