Deeq A. Posted May 12, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa amray in magaalada Muqdisho lagu celiyo meydka oday 70 jir ahaa oo geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay sheegeen ehelkiisa. Marxuumka oo ku dhintay degmada Yaaqshiid ayaa loo qaaday degaanka Biya Cadde ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana meydka la soo celiyay isagoo maraya degaanka Raage-Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe. Marxuumka, oo qoyskiisa ay codsadeen inaan magaciisa la shaacin, ayaa wiilashiisa waxaa soo wacay Al-Shabaab kadibna ay dhaheen “naga celi meydka murtadka aad soo qaadeen”, balse Marxuumka dhintay ayaa ahaa qof shacab ah oo aan dowlad kamid noqon bur burkii kadib, sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoyska Qofka soo wacay ayaa sidoo kale noola sheegay iney qaraabo yihiin Marxuumka dhintay, taas oo sahashay inuu helo xiriirkooda kadibna uu soo waco. Warar madaxa banaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in marxuumka ka hor inta uusan geeriyoonin islamarkaana caafimaad qabay inuu tagi jiray degaanada Al-Shabaab isagoo u aaday dano kala duwan oo arrimo u badan. Lama oga sababta ka dambeysay in Al-Shabaab ay diidaan waxayna dad badan is weydiinayaan waxa uu galabsaday qofkaan waayeelka ahaa oo muddo dheer sariir saarnaa. Marxuumka ayaa lagu aasay Muqdisho markii lagu guul dareestay in la geeyo halkii loo rabay. Share this post Link to post Share on other sites