Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo dalalka Khaliijka u jeedisay hanjabaad la xiriirta Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dalalka carbeed ee Khaliijka waa in ay tixgeliyaan xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka marka ay la macaamilayaan Shiinaha, waxaa sidaas ku hanjabay sarkaal Maraykan ah iyadoo ay soo baxayso xiisad u dhaxaysa Washington iyo Beijing oo salka ku haysa safmareenka Coronavirus.

Dalalka Carbeed ee gacanka waxa ay xiriir wanaagsan la yeesheen Shiinaha iyagoo xiriir wanaagsan la leh Maraykanka, islamarkaana raadinaya hanti iyo technology-yad ay faa’iido badan ku sameeyaan.

“Dalalka Carbeed waa in ay qiimeeyaan saaxiibtinimadooda Maraykanka” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka David Schenker.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xukuumadda Beijing ku eedeeyay faafista xanuunka Coronavirus, waxaana uu sheegay in maamulkiisu uu fulin doono ciqaab ka dhan Shiinaha.

Saraakiil dhowr ah oo kasoo jeeda dalalka gacanka ayaa amaanay sida uu Shiinuhu u xakameeyay Coronavirus, kaasi oo markii hore kasoo billowday magaaladda Wuhan ee Shiinaha.

Diblomaasiga sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in dalalka gobolku looga baahan yahay in ay ka walwalaan kaalmada Shiinaha, taas oo uu ku sheegay “dhiig-miirasho.”

Schenker ayaa sheegay in uu jiro walaac ku saabsan in dalalka gobolku ka qayb qaataan shirkadda Huawei oo gacanka ka dhiseeysa adeega Internet-ka ee 5G. Maraykanku waxaa uu halkaas ku leeyahay Saldhigga ugu weyn ee Bariga dhexe.  Taasi waxaa ay Ciidanka Maraykanka iyo kuwa gacanka ku adkeyneysa in ay wada xiriiraan.

Maraykanka ayaa in muddo ah waxaa uu beegsanayay Huawei, taasi oo uu u arko ay ledahay Dowladda Shiinaha. Shiinaha iyo Shirkadduba waa ay beeniyeen in wax xiriir ah uu ka dhexeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this