Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Ka Warbixiyey Kulan uu La Qaatay Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin kooban oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faahfaahin looga bixiyay kulan maqal iyo muuqaal ah, oo khadka internet-ka ku dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre, madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka, kaas looga wada-hadlay dardar gelinta Gurmadka magaalada Qardho ee Karkaar.

Warbixintaas ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ay Puntland codsatay uu fududeeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ,islamarkaana uu ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre loogana hadlay sidii shacabka Qardho loogu heli lahaa biyo xireen ka leexiya ka leexiya daadka.
Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si wadajir ah xubnaha Beesha Caalamka ee kulankaas ka qayb-galay uga codsaday, in la dardar geliyo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay fataahaaddii dhowaan ku dhuftay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar

 

“Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Siciid Cabdillaahi Deni.

Kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay  dowladda dhexe iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo gurmad uu ka socdo lagu samato bixinayo magaalada Qardho oo dhowaan dad ay ku soo rogmadeen kuwaas oo saameyn xoogan u geystay bulshada ku dhaqan magaalada Qardho ee gobolka karkaar ee Puntland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this