Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu 11 May 2020 la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay dalka ee COVID-19.

Dr. Fowsiya ayaa ku dhawaaqday in tirada xaaladaha cusub ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay saddex maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyey 24 xaaladood, maamulka Puntland 8 xaaladood iyo maamulka Somaliland 3 xaaladood.

Wadarta guud ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.

Ugu dambeyn waxa ay bulshada u sharaxday qaabka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareynta bixida ama aadista meelaha la’isugu yimaado.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this